Maxay Sameeyeen Jamaahiirta Quusta Ah Ee Manchester United Kaddib Guul-darrad Xalay?

0
80

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xalay u adkaysan waayey murugada kooxdooda kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee xalay ay garoonka Old Trafford ugu xambaariyeen taageereyaasha kooxda kasoo gaadhay ciyaartii Galatasaray ay ku garaacday 3-2.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxa Manchester United loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa tan iyo sannadkii 1989kii, iyaga oo galay bilowgii ugu liitay ee xilli-ciyaareedka.

Taageereyaasha Red Devils ayaa markii ay arkeen iyaga oo garoonkooda lagu bahdilayo kooxdooda, waxay sameeyeen ficil ay si dhab ah ugu muujiyeen niyad-jabkooda oo ah in ay ku ooriyeen ciyaartoydooda.

Markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, ciyaartoyda kooxda oo kasii baxaya garoonka ayaa waxa mar kaliya is-qabsaday garoonka dhawaqa jamaahiirta oo ku oorinaya ciyaartoydooda.

Red Devils oo Sabtidii ay Crystal Palace ku garaacday Old Trafford, ayaa waxa xaaladdooda uga sii dartay Galatasaray oo iyaduna ku karaashtay isla garoonkan oo u muuqda in ay ka guurtay haybaddii ahayd in ay kooxaha kale kasii baqdaan.

Halyeeyada kooxdaas ayaa telefishannada ka weeraray tababare Erik ten Hag iyo ciyaartoyda kooxdaas, si gaar ahna waxay farta ugu fiiqeen difaacyahannada oo ka seexday shaqadooda iyo qaladka xun ee uu sameeyey Andre Onana oo kubbad u dhiibay weerarka Galatasaray, taas oo keentay in Casemiro oo isku dayaya inuu badbaadiyo goolka uu casaan qaato.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa ugu hoosaysa Group-ka A maadaama laga badiyey labadii ciyaarood ee ay dheeshay, waxaana hoggaanka u haysa Bayern Munich oo lix dhibcood haysata iyo Galatasaray oo labaad ku jirta oo afar dhibcood leh, halka FC Copenhagen ay hal dhibic haysato.