Shirkadda Netflix oo joojineysa adeeggeeda bilaashka ee kenya.

0
52

Baladweyne (Radio Beerlula)- Shirkadda Netflix ee bixisa adeegga tooska ah ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto adeeggeeda bilaashka ah ee Kenya bisha soo socota iyada oo raadinaysa habab ay kor ugu qaaddo dakhligeeda iyada oo lagu jiro tartanka suuqa.

Sanadka 2021, Netflix waxa ay u ogolaatay isticmaalayaasha wadanka ku yaala Bariga Afrika in ay helaan wax ku kooban iyaga oo aan wax lacag ah bixin.

Tani waxay ahayd isku day lagu doonayay in lagu dhex galo suuqa Kenya.

Warbixin ay soo saartay, Netflix waxay ku sheegtay in qorshahan aanu sii jiri doonin laga bilaabo 1da November.