DEG-DEG: Marcus Rashford Oo Laga Ganaaxay Manchester United

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford lagu soo rogay ganaax kaddib casaankii uu qaatay ciyaartii FC Copenhagen ee guul-darrada loogu soo xambaariyey waddanka Denmark.

Marcus Rashford ayaa casaan toos ah la siiyey qaybtii hore markii laga soo daawaday VAR qalad uu kula kacay Elias Jelert oo uu lugta kaga istaagay, taas oo keentay in ciyaarta laga saaro, sidaasna kooxdiisu ku noqoto toban laacib oo guul-darro lasoo laabtay.

Manchester United oo kaalinta ugu hoosaysa kaga jirta Group A oo ay saddex dhibcood oo kaliya ka heshay afartii ciyaarood ee ay dheeshay oo saddex ka mid ah laga badiyey, ayaa laga khafiifiyey ganaaxa Marcus Rashford, waxaana lagu soo koobay hal kulan oo kaliya.

Rashford ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Arbacada ay Manchester United martida u noqonayso Galatasaray oo ay ku booqan doonaan magaalada Istanbul iyadoo kooxda reer Turkey hore ugu garaacday United garoonka Old Trafford.

Laakiin weeraryahanka reer England ayaa soo laaban doona ciyaarta ugu dambaysa wareegga group-yada oo ay waajihi doonaan Bayern Munich oo mar horeba usoo baxday wareegga 16ka tartanka Champions League.

Manchester United ayaa ka hadhi doonta tartanka Champions League haddii ay Galatasaray ka badiso Arbacada, sababtoo ah waxa ay kooxda reer Turkey ka horreyn doontaa Red Devils afar dhibcood, maadaama ay hadda hal dhibic ka horreyso.