Boqol gabdhood oo rag la’aan haysay oo halmar guur loo wada dhigay

0
78

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xubin ka tirsan aqalka wakiilada dalka Nigeria ee laga soo doorto gobolka Kebbi ayaa guuriyay 100 gabdhood oo agoon ah kadib xaflad heer qaran ah oo la qabtay maalinnimadii Sabtida.

100-ka gabdhood ee agoonta ah ayaa lagu meheriyey qasriga Boqorka Kabin Argungu Alhaji Ismaaciil Muxammad oo guddoominayey xaflada meherka.

Bandhigga ayaa soo jiitay indhaha dadka ku dhaqan deegaankan Kebbi ee waqooyi galbeed dalka Nigeria.

Caruusyada iyo caruusadaha ayaa mid mid loo meheriyay kadib markii lagu dhawaaqay bixinta Meherka iyo qudbadaha loogu tala galay reeraha cusub ee dhismaya, iyagoo la guddoonsiiyay alaabaha guryaha.

Mid kasta oo ka mid ah caruusyada ayaa waxa la guddoonsiiyay sariir iyo kursi aad u qurux badan iyo agab kale sidoo kale waxyaabaha la guddoonsiiyay waxaa kamid ahaa kitaabo Qur’aan oo iyaga loo hadiyeeyay.