Shirkadda TikTok oo bilaabeysa barnaamij lacag laga sameyn karo.

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda Tiktok ayaa bilaabaysa barnaamij cusub oo dadka sameeya fiidiyowyada ay lacag badan uga samayn karaan bartan bulsho.

Barnaamijkan cusub ayaa tartan xoog leh lagu la gelayaa baraha Facebook iyo YouTube, oo aad uga fac weyn TikTok islamarkaas na horey u ahaa barahii bulsho ee ugu horreeyay ee ay lacag ka sameeyaan dadka muuqaaladda sameeya.

Shirkadda Tiktok ayaa bilaabaysa barnaamij cusub oo dadka sameeya fiidiyowyada ay lacag badan uga samayn karaan bartan bulsho.

Barnaamijkan oo la yiraahdo Creativity Program Beta wuxuu qofka u suurto galinayaa inuu galin karo bartiisa Tiktok fiidiyowyo kuwii hore ka dhaadheer, lacagta uu ka samayn karana ay intii hore ka badan tahay. Barnaamijkan ayaa lagu beddelay kii la oran jiray creator fund.

Lacagta laga samayn karo barnaamijkan ayaa ku xiran sida ay u shaqeeyaan fiidiyowyada waafaqa shuruudaha barnaamijka. Lacagta “abaalmarinta” ayaa marka la xisaabayo waxaa lagu qiimeeyaa in fiidiyowga uu shuruudaha soo buuxiyey iyo dakhliga kunkii fiirsasho ee fiidiyowyadaas shuruudaha soo buuxiyey (RPM).

Barnaamijkan oo dhowr bilood kaliya socda waxaa shuruudaha qofka doonaya inuu lacag ka sameeyo ka mid ah in akoon uu ku leeyahay Maraykanka, ugu yaraan inuu jiro 18 sano, in ay bartiisa ku xiran yihiin ugu yaraan 10,000 oo akoon, iyo in 30ka maalmood ee ugu dambeeyey fiidiyowyada laga daawaday bartiisa ay gaarayaan 100,000 oo daawasho.

Fiidiyowyada sharci ahaan noqon kara kuwo shuruudda ka soo baxay waxaa ka mid ah kuwa ugu yaraan 1000 goor la fiirsaday, kuwa aan lagu samayn barnaamijyada Duet iyo Stitch, Fiidiyowyo tayadoodu aad u sarrayso, kuwo aan ahayn masawir (Photo) aan dhaqdhaqaaq lahayn, iyo kuwo aan looga gol-lahayn xayeysiis in lagu sameeyo.

Dadka baraha ku leh Tiktok ayaa ku biiri kara barnaamijkan Beta, ayadoo aysan waxba iska beddeli doonin tirada dadka ama akoonnada iyaga ku xiran, laakin arrinta muhiimka ah ayaa waxay tahay dalalka ilaa hadda la iska diiwaan gelin karo.

Marka laga yimaado Maraykanka, dadka shuruudaha soo buuxiya ee jooga dalalaka Baraasiil, faransiiska, Jarmalka, Japan, Kuuriyada koofureed iyo UK ayaa ka qayb gali kara, waxayse shirkaddu sheegtay in ay sii balaarin doonto tirada dalalka uu ka shaqeynayo barnaamijkan.

Shirkadda waxay qiyaasaysaa in seddexda sano ee soo socota ay lacag gaaraysa hal Bilyan oo Doollar siin doonto dadka Fiidyowyada sameeya. Arrintan ayaa dadka aadka u daraaseeya dhaqdhaqaaqa baraha bulshada waxay ku tilmaameen mid khatar ku ah baraha kale ee ay ka midka yihiin Youtube iyo Facebook.

Barahaas ayaa iyagana lacag laga sameeyaa marka fiidiyowyo la geliyo.