Real Madrid Oo Guul Cidhiidhi Ah Oo Ay Ka Gaadhay Real Mallorca Kusii Dheeraysatay Hoggaanka Horyaalka LaLiga

0
175

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul ku fuaratay sannadka cusub ee 2024, waxaanay sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga oo ay ku qabatay saddex dhibcood oo ay dhaaftay Girona oo ay markii horena farqiga goolasha kaga horreysay.

Gool madi ah oo uu u dhaliyey Antonio Rudiger ayaa Real Madrid siiyey guul cidhiidhi ah oo ay ka gaadheen Real Mallorca oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu, waxaanay kaga badiyeen 1-0 iyadoo sidaas Los Blancos ku yeelatay 48 dhibcood.

 

Ciyaartan oo ay goolal badan iska khasaarisay Real Madrid oo uu nasiibku diiday Brahim Diaz, Rodrygo Goes, Vincius Junior iyo Jude Bellingham ayaa waxa la baxsaday Antonio Rudiger oo shabaqa soo taabtay dhamaadka ciyaarta oo ay 12 daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Vinicius Junior ayaa laba fursadood oo waqti hore ahaa uu ka badbaadiyey goolhayaha reer Serbia ee Predrag Rajkovic oo ahaa ciyaartoyga waardiyaha adag ka noqday goolka Real Mallorca.