Wasiirkii la dagaalanka saboolnimada ee Nigeria oo shaqada looga joojiyay lacag ku jirtay akoon bangi oo ugaar ah

0
61

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Nigeria ayaa shaqada ka joojiyay wasiir, ka dib markii lagu eedeeyay in lacag ka badan 585 milyan oo naira ( oo u dhiganta $640,000 oo doolar, oo lacag dadweyne ah lagu shubay akoon bangi oo gaar loo leeyahay.

Wasiirka arrimaha bini’aadantinimada iyo dhimista faqriga Betta Edu ayaa shaqada laga joojiyay Isniintii kadib markii ay dadwaynuhu ka cadhoodeen fadeexadan.

Bayaan uu soo saaray, Madaxweyne Bola Tinubu wuxuu amray in “baaritaan dhab ah” lagu sameeyo wasaaradda ay madaxda ka ahayd Betta Edu.

Edu way diidday in ay wax khalad ah samaysay.

Xafiiskeedu waxa uu sheegay in ay ku ansixisay wareejinta akoon gaar ah, kaas oo aan magaceeda ku jirin, balse loogu talagalay “fulinta deeqaha la siiyo kooxaha nugul