Munaasabad lagu abaalmarinayay qaar ka mid ah ardeyda iskuulka Al Fatxi oo lagu qabtay Burco

0
94

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Burco ee Xarunta Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay munaasabaddan oo lagu abaal marinayay ardayda kaalimaha hore ka galay imtixaan laga qaaday ardayda dhigata Macadka Al-fatxi oo kamid ah goobaha waxbarashada ee ku yaalla Burco kuwaasi oo la baray casharo la xiriira shareecada islaamka.

Abaalmarinadan oo isugu jiray Koombiitaro Taleefano iyo agab kale ayaa la siiyay 10 ka arday ee galay kaalmaha hore kuwaasi oo natiijo fiican ka keenay casharadii loo dhigay.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.