Laba diyaaradood oo isku dhacay garoonka Heathrow

0
39

Baladwayne ( Radio Beerlula )- Labo diyaaradood ayaa isku dhacay garoonka diyaradaha Heathrow, kuwaas oo uu burbur uu kasoo gaaray baalasha.

Shilkan ayaa waxaa ku lug lahaa diyaarad ay leedahay shirkadda British Airways oo ay la socdeen 121 rakaab ah iyo diyaaradda Virgin Atlantic. Maamulka Heathrow ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah iyo wax dib u dhac ah oo ku yimid garoonka.

Virgin Atlantic waxay sheegtay in Boeing 787-9 oo faaruq ah laga soo jiiday Terminal 3 markii uu shilku dhacay, saacadu markay ahayd 12:00 BST.

Shirkadda ayaa intaa ku dartay in diyaaradaasi ay markaas soo degtay, waxaan al geeyay qeyb kale oo ka mid ah garoonka.

British Airways waxay sheegtay inay macaamiisha siisay diyaarad kale oo loogu talagalay .
Virgin Atlantic waxa ay sheegtay in ay baarayso, isla markaana diyaardda lagu hubin dhanka dayactirka ah lagu sameeyay diyaarada taas oo keentay in shaqada laga saaray.