Dhoobo ku soo duntay gobolka Enga ee dalka Papua New Guinea.

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Shaqaalaha gurmadka degdegga ayaa ka shaqeynaya sidii ay ku gaari lahaayeen tuulooyinka ay dhoobada ku soo duntay gobolka Enga ee dalka Papua New Guinea.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dad halkaas ku dhinteen iyadoo kooxaha gurmadka oo ka kooban kuwa caafimaadka iyo militeriga ay gaareen tuulooyinka, sidaasin waxaa sheegtay hay’adda Care Australia.

Wadooyinka oo xirmay ayaa ka dhigaya in howlaha samatabixinta ay aad u adkaadaan.

Care ayaa sheegtay in ilaa iyo 60 guri ay burbureen iyadoo aan la ogeyn xaaladda dadkii ku noolaa guryahaas. Ku dhawaad 4,000ayaa ku noolaa halkaas.