Dab qabsaday dhismo deegaan oo ay ku dhinteen 35 qof dalka Kuwait

0
52

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay dhismo deegaan ahaa magaalada Mangaf ee dalka Kuwait sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Muuqaal fiidiyow ah oo baraha bulshada lagu wadaagay ayaa lagu arkayay dab qabsaday dhismo dheer iyo qiiq madow oo ka soo baxay dabaqa ugu sareeya.
Ugu yaraan 15 kale oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaalka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Inta badan dadka wax noqday ayaa ahaa shisheeye dalka ka shaqeynayay oo halkaas ku noolaa.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Sheikh Fahad Yusuf al-Sabah, oo booqday goobta ayaa ku eedeeyay milkiilayaasha guriga in ay qeynuunada jibiyeen oo ay wax badan doonayeen sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in dhismaha uu ahaa mid aad looga buuxay. Sida uu sheegay taliyaha booliska dad badan ayaa joogay dhismaha markii uu dabka qabsaday.
Wax faahfaahin ah lagama bixin ilaa hadda dalalka ay ka soo jeedaan shaqaaha iyo wixii ay ka shaqeynayeen.