Shirweynaha Qaran ee Toddobaadka Kalluumeysatada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho.

0
49

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya, ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka ceegaaga baddaheenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay qorsheynayso in sanadaha dhow 50% miisaaniyadda dalka ay ka timaaddo kalluumeysiga, taas oo haddii xoogga la saaro ka faa’iideysigeeda wax weyn ka beddelaysa dhaqaalaha dalka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim