Arsenal Oo Xiddig Muhiim Ah Ka Tagaya Xagaagan.

0
81

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mikel Arteta ayaa si gaabis ah u galay ganacsigiisa suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo kooxdu ay kaliya ka dhigtay heshiiska David Raya mid joogto ah iyo saxiixa daafaca Riccardo Calafiori.

Inkasta oo ay labadaas xiddig yihiin kuwo cajiib ah, haddana Gunners waxa ay u baahan tahay wax badan oo dheeri ah si ay kooxdeeda u xoojiso.

Waxa laga yaabaa in ay suuqa u galaan weeraryahan cusub, iyada oo Eddie Nketiah laga yaabo in uu ka tago kooxda si uu ugu biiro kooxda reer France ee Marseille.

Kooxda reer France ayaa xiddigan ka gudbisay dalab dhan 17 milyan oo gini, ka dib markii ay hore u gudbisay dalab aad u hooseeya.

Nketiah ayaa inta badan ku qaatay garoonka Emirates Stadium kursiga kaydka, waxaana lagu wadaa inuu sidiisa sii ahaado hadii uu kooxda sii joogo.

Labada xiddig Kai Havertz iyo Gabriel Jesus ayaa isaga ka horeeya. halka uu xiliciyaareed kale kursiga kaydka fadhiisan lahaa, ka tagista kooxda ayaa ah waxa uu doonayo.

Marseille waxay siin kartaa fursad uu ku bilaabo mashruuc cusub oo uu hogaaminayo Roberto De Zerbi.

Wadahadalo ayaa u bilaabmay labada kooxood ka dib markii Marseille ay u soo bandhigtay 17 milyan ginni ciyaaryahanka.

si kastaba ha ahaatee, waxaa la arki doonaa haddii ay aqbali doonto Arsenal iyo in kale.