Arsenal Oo Weli Ku Raad Joogta Saxiixa Xiddiga Ku Guulaystay Euro 2024.

0
40

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa wali wadahadalo kula jirta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad iyo xulka qaranka ee Spain.

Merino, oo 28 jir ah, ayaa ka tirsanaa kooxdii Spain ee ku guuleysatay Euro xagaagan, Gunners ayaana dooneysa inay geeyso England.

Waxaa loo malaynayaa in xiisaha ay Arsenal u qabto xiddiga reer Spain uu yimid intii lagu guda jiray tartankii ka dhacay Germany.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka soo muuqday dhammaan todobadii kulan ee uu dalkiisa u ciyaaray Euro 2024, isagoo inta badan ka soo kacay kursiga keydka, waxaana uu waqtigii dheeriga ahaa goolkii guusha ka dhaliyay kooxda martida loo ahaa ee wareega 8da.

Haddii uu dhaco heshiiska ciyaaryahanka, kaasoo Real Sociedad lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay joogto ahaa, wuxuu noqon doonaa saxiixii labaad ee Mikel Arteta ee xagaaga.