Tahriibayaal ku geeriyooday badda u dhexeysa UK iyo Faransiska

0
27

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Labo tahriibayaal ah oo saarnaa doon yar oo ay kaga gudbayeen badda u dhexeysa labada dal ayaa geeriyooday.

Halka ay ku geeriyoodeen ayaa ah inta u dhexeysa Calais iyo Dunkirk, saakay oo Axad ah ayuuna shika dhacay, BBC-da waxaa sidaas u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada badda Faransiiska.

Ku dhawaad 50 tahriibayal ah ayaa laga soo badbaadiyay doontaas yar welina, waxaa socda howlaha badbaadinta.

In ka badan 20 qof ayaa sanadkan ku dhimatay iyagoo isku dayaya in ay kaga soo gudbayaan badda doonyo yar yar oo buux dhaafay.

Dhowr doon oo tahriibayaal saaran yihiin ayaa ka soo baxay Waqooyiga Faransiiska maanta oo Axad ah.
Hawada oo fiicneyd subaxdii hore ayaa keentay in ay isku dayaan safarka.

Faransiiska ayaa bilaabay howlo samatabixin oo balaaran markii ay doon la kulantay dhibaato.