Dadka degan agagaadka Caasimada Giriigga oo lagu amray inay ka guuraan.

0
26

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kumannaan kun oo qof oo ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka ka baxsan caasimadda Giriigga ee Athens ayaa lagu amray inay u guuraan goobo nabdoon, ka dib dabka ka kacay kaasoo oo sii fidaya.

Dabka waxaa dhaliyey cimillada oo kulayl xad-dhaafadka ah iyo dabaylo xoog leh oo is baheystay.

In ka badan sodon goobood oo dabku ka holcayey ayaa lagu guuleystay in la xakameeyo.

Kooxaha dabka la dirira oo adeegsanaya diyaarado hawada sare biyaha ka tuuraya ayaa la tacaalaya balse meelaha qaar holacaya dabka ayaa gaaraya ilaa 25 mitir.