Dhalinyarada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo doortay guddoomiye.

0
13

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa loo doortay Eng Maxamed Xuseen Cilmi kadib markii uu helay 44 cod halka musharaxa la tartamayay ee Sayid Cali Yuusuf Aadan uu helay 19 cod.

Doorashadan oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan,hogaanka dhalinyarada degmooyinka qaar,maamulka degmada Maxaas iyo marti Sharaf kale.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.

.