Dab ka kacay Iskuulka Hoyga Gabdhaha Isiolo ee kenya.

0
36

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warrarka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in uu dab ka kacay Iskuulka sare hoyga gabdhaha ee Ismaamulka Isiolo ee bartamaha Kenya.

Illaa hadda lama sheegin sababta dabka keentay, waxana ku dhaawacmay sedex qof.

Booliska ayaa sheegay in burbur xoog leh gaaray dhismaha iskuulka.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in koox ka tirsan hay’adda loo diray iskuulka.

Bulshada deegaanka ayaa sidoo kale ka qayb qaatay daminta dabka.

Dhacdadan ayaa imaanaysa maamlmo uun kaddib markii uu dab ka kacay iskuulka hoyga ee Ismaamulka Nyeri, halkaas oo ay ku dhinteen 21 ardey.