In ka badan 150 qof oo ku dhintay daadad ka dhacay Vietnam

0
53

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirada dadka ku dhintay duufaanta Yagi ayaa korortay oo gaartay 152 qof sida dowladda ku qiyaastay.

Duufaanta ku dhufatay Vietnam waxay aheyd tii ugu xumeyd muddo 20 sano ah iyadoo wadooyinka Hanoi ay buuxsameen.

Biyaha wabiga Red ayaa gaaray hal mitir, waxayna qeybo ka mid ah magaalada dadka deggan adeegsanayeen doonyo.

Kumanyaal ayaa ka qaxay dhulka hooseeya ee magaalada.

10 ka mid ah 30-ka degmo ee magaalada Hanoi waxaa la geliyay heegaan sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.

Daadadka iyo dhulka soo duma ee Vietnam waxay ahaayeen kuwa ugu badan ee keena dhimashada marka ay duufaanta dhacdo.

Duufaanta Yagi waa mid xooggan, waxaana lagu tilmaamay duufaantii ugu awoodda badneyd Asia sanadkan.

Seynisyahanada ayaa ka dhigay kuleylka dunida ee kordhaya iyagoo sheegay in taasi ay keeneyso in duufaanada ay la socdaan dabeylo xooggan iyo roob badan.