Jamaahiirta Al-Nassr Oo Maamus U Sameeyay Cristiano Ronaldo

0
18

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ka hor kulankii xalay ee ay Al-Nassr la ciyaartay Kooxda Al-Ahli, waaxay maamus kooban u sameeysay xiddigs reer Portugal Cristiano Ronaldo kaaso dhawaan gaaray goolkiisii 900 aad iyo 901-aad ee waayihisa kubada cagta.

Ka hor ciyaarta, Cristiano Ronaldo ayaa la guddoonsiiyay funaanad gaar ah oo lagu xusay inuu gaaray 900 oo gool oo xirfadiisa ah.

Jamaahiirta Al Nassr ayaa sidoo kale amaan u soo jeediyay halyeeyga reer Portugal iyaga oo soo bandhigay boorar ay ugu dabaal dagayaan taariikhdii uu gaadhay intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah.

39-sano jirkaan ayaa kubad ku taabtay shabaqa Croatia ka hor inta uusan dhalin goolkiisii ​​901-aad daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaartii Portugal 2-1 kaga badisay Scotland.

Al-Nassr ayaa xalay barbaro xilli dambe ah la gashay kooxda Al-Ahli.