Shirkadda Boeing iyo Ururka Shaqaalaha oo dib u billaabaya wadahadallada.

0
57

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddi dhex-dhexaadin oo ka socda Dowladda Federaalka Mareykanka ayaa Jimcihi sheegay, in madaxda shirkadda sameysa diyaaradaha ee Boeing iyo ergada ururrada shaqaalaha ay miiska gor-gortanka ku soo laaban doonaan horraanta todobaadka soo socda.

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib marki ay Jimcihi ururka shaqaalaha shirkadda Boeing ku dhawaaqeen shaqa joojin. Shaqa joojinta ayaa ka dhalatay qandaraas kordhinta cusub ee shirkadda oo ay ku qanci waayeen shaqaalaha.

Hey’adda Dhex-dhexaadinta iyo Heshiisiinta Dowladda Federaalka ayaa qoraal ay shalay gelinki danbe soo saartay ku sheegtay, in ay isugu yeertay dhinacyada kaddib marki ay is kala gaar gaar ah ula hadashay.

In ka badan 30,000 oo qof oo xubno ka ah Ururka Shaqaalaha ee loo soo gaabiyo IAM, oo ah shaqaalaha farsameeya diyaaradaha loogu iibsiga badanyahay shirkadda Boeing oo ay ku jirto nuuca 737 MAX iyo kuwo kale ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday qandaraaski ugu horreeyay ee shaqo kordhin oo ay shirkadda soo bandhigto muddo 16 sano ah.

Shaqaalahan ayaa ka shaqeeya xarumaha Boeing ee magaalooyinka Seattle iyo Portland ee dalkaan Mareykanka. Waxay wacad ku mareen in ay u dagaallami doonaan mushaar kordhin noloshooda kaabi kara.