Shirka eray bixinta Tiknoolajiyada iyo Af-soomaaliga oo laga furay Muqdisho

0
53

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka ereybixinta Tiknoolajiyadda iyo Af Soomaaliga oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda XFS .

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiiro ka tirsan XFS, wasiirada Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada , Bulshada Rayidka, xubno ka socda Akadeemiyadda, bahda Jaamacadaha, shirkadaha Tiknoolajiyadda iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.