Dal gawaaridiisa u beddelaya kuwa ku shaqeya korontada

0
60

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Norway oo ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya saliida ayaa hadda waddooyinkeeda lagu isticmalaaa baabuurta korontada ku shaqeysa, marka loo eego kuwa shidaalka ku shaqeeya.

2.8 milyan oo Gawaari ah oo gaar loo leeyahay ayaa ka diiwaan gashan dalka, 754,303 ayaa hadda ah kuwa ku shaqeeya korantada, halka 753,905 ay ku shaqeeyaan shidaal, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ka soo baxay ururka waddooyinka Norway.

Dalkan ku yaal Waqooyiga Yurub oo ay ku nool yihiin 5.5 milyan oo qof ayaa hiigsanaya inuu noqdo waddankii ugu horreeyay ee soo afjara iibinta baabuurta cusub ee ku shaqeysa shidaalka – marka la gaaro 2025-ka.

Canshuur dhimista loo sameynay iibinta gawaarida Korontada (EVs) ayaa la kordhiyay iyo dhiirigelin kale taas oo lagu malagelin doono qeyb weyn oo ka mid lacagta ay Norwey ka sameyso saliidda iyo gaaska.