Tirinta codadka ayaa ka bilaabantay dalka Sirilanka

0
30

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Goobaha codbixinta ayaa la soo xiray doorashada Sri Lanka, halkaas oo codbixiyayaashu ay dooranayaan madaxweyne cusub markii ugu horreysay tan iyo markii ay mudaaharaadyo waaweyn xilka ka qaadeen hoggaamiyahii dalkaas 2022-kii.

Codbixinta maanta dhacday ayaa si weyn loo tixgalinayaa sida afti loo qaadayo dib-u-habeyn dhaqaale oo loogu talagalay in dalka lagu geliyo waddada dib u soo kabashada ka dib markii uu soo maray qalalaasihii dhaqaale ee ugu xumaa.

Laakiin dad badan ayaa weli la halgamaya sidii ay nolol maalmeedkooda u heli lahaayeen sababtoo ah canshuur kordhin, iyo dhimistii kaalmada iyo daryeelka. Falanqeeyayaasha kala duwan ayaa saadaaliyay in walaaca dhaqaale ay hormood u noqon doonaan mudnaanta codbixiyayaasha waxaana la filayaa in ay noq doonto tartan musharixiintu isu dhow dhow yahiin Tirinta ayaa ku bilaabatay codadka boostada 17:00 wakhtiga maxaliga ah (11:30 GMT), laakiin natiijadu lama filayo inay caddahay ilaa subaxda Axadda.

“Sicir-bararka sii kordhaya ee dalka, qiimaha maciishada iyo faqriga ee cirka isku shareeray ayaa ka dhigay codbixiyeyaashii quus ka taagnaa xal u helista qiimaha lagu dejiyo laguna wanaajiyo hab-nololeedyada,” Soumya Bhowmick, oo ah xeeldheere ka tirsan hay’adda cilmi-baarista ee Observer ee fadhigeedu yahay Hindiya, ayaa u sheegtay BBC-da.