Wiilka Museveni oo ka tanaasulay musharaxnimada madaxweyne.

0
14

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Muhoozi Kainerugaba Wiilka uu dhalay hogaamiyaha mudada dheer xilka hayay ee Uganda Yoweri Museveni, ayaa Sabtidii sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu xilka madaxweyne ugu tartami lahaa doorashada soo socota ee 2026, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay taas beddelkeed taageeraan aabihiis.

Madaxweyne Museveni, oo dalka hoggaaminayey 38 sano, ayaa si weyn loo filayaa inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha, inkasta oo aanu weli si rasmi ah u xaqiijin musharaxnimadiisa.

Kainerugaba, oo hadda ah madaxa militariga dalka, ayaa si weyn loo filayaa in uu ugu dambeyntii noqon doono ninka bedeli doona aabihiis.

Mucaaradka Uganda ayaa muddo dheer ku eedeeynayey Museveni inuu doonayo inuu boqortooyo ku soo rogo Uganda, taasi oo uu madaxweynuhu beeniyay.

Museveni oo 80 jir ah ayaa dalka Uganda soo xukumayay tan iyo 1986-kii, waxaana uu labo jeer bedelay dastuurka si uu xukunka u kororsado.