Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Japan oo dad ku dhinteen

0
38

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Lix qof ayaa ku dhintay 10 kalena waa la la’yahay ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka dhasheen daadad iyo dhul go’ kuwaas oo saameeyay degaanno ka tirsan gobolka Ishikawa ee dalka Japan.

Magaalooyinka Wajima iyo Suzu, oo weli ka soo kabanaya dhulgariirkii ballaarnaa ee 1-dii Janaayo baabi’iyay deegaanka, ayaa ka mid ah magaalooyinka ay sida weyn u saameeyeen fatahaadaha, kuwaasoo bilowday Sabtidii shalay ilaa Isniinta maanta ahna socda.

Axadii, labada magaaloba waxa waxaa kordhay laba jibaar xadiga roobka ka da’ay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in wabiyo badan ay qarka jabsadeen, iyaga oo jaray waddooyin islamarkaana go’doomiyay inta badan dadweynaha halkaa ku dhaqan.

Labo ka mid ah dadka dhintay ayaa meydkooda laga helay meel u dhow jeexooyin uu dhul ku soo go’ay oo ku yaalla Wajima. Mid ka mid ah wuxuu ahaa shaqaale dhisme oo dayactir ku samaynayey waddooyinka.