Kenya oo ciidamo dheeraad ah geyneysa dalka Haiti.

0
18

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga dalka Haiti ayaa balan qaaday in 600 oo boolis dheeraad ah la keeni doono dalkan todobaadyada soo socda si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha burcadda ah ee gacanta ku haya inta badan caasimadda Port-au-Prince iyo deegaannada ku xeeran.

Tan ayaa ka dhigaysa tirada guud ee ciidamada booliska Kenya ee ka hawgalaya Haiti illaa 1,000 askari.

Wadamo kale ayaa iyana balan qaaday in ay ciidamo geyn doonaan Haiti.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo la hadlayay ciidamada wadankiisa ee jooga Haiti ayaa sheegay in bilowgii hawgalkan lagu qeexay “Hawlgal aan suurtagal ahayn” laakiin ay taasi beenowday.

Waxa uu sheegay in ay ka adkaan doonaan burcadda Haiti, wuxuna ciidan kiisa u balan qaaday in ay heli doonaan qalab wanaagsan.