Shirkadda Telegram oo dambilayasha la wadaageysa hay’adda sharciga ah.

0
11

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda Telegram ayaa sheegtay inay ku wareejin doonto ciwaannada IP-ga ee isticmaalaha iyo nambarada taleefannada Hay’adaha amniga ee haysta warqadaha baaritaanka ama codsiyo kale oo sharci ah si looga hortago dambiilayasha.

“In kasta oo 99.99% dadka isticmaala Telegram aysan wax xiriir ah la lahayn dambiyada, 0.001% ee ku lug leh dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah waxay abuuraan muuqaal xun , iyaga oo khatar gelinaya danaha ku dhawaad ​​bilyan isticmaalayaashayada ah,” ayuu maamulaha shirkadda Telegram Pavel Durov.

Telegram ayaa bishii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inay marti-gelisay kanaallada midig-fog ee ka qeyb qaatay rabshadihii ka dhacay magaalooyinka Ingiriiska.

Horraantii toddobaadkan, Ukraine ayaa app-ka ka mamnuucday qalabka dowladda si loo yareeyo khatarta uga imaaneysa Ruushka.

Shirkaddan Telegram ee laga lee yahay dalka Ruushka ayaa inta badan lagu eedeya in lagu baahiyo warar been abuur ah, kicin bulsho iyo in lagu baahiyo sawiro anshax xumo ah.