Muwaadiniinta Qatar oo visa la’aan tagi doona dalka Mareykanka.

0
34

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadiniinta Qatar ay hadda kadib ay Mareykanka soo geli karaan visa la’aan, taasi oo dalkan ku yaalla Khaliijka ka dhigeysa dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee sidaas loo ogolaado.

Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa si wadajir ah ugu dhowaaqay in Qatar ay ka soo baxday shuruudo adag, si ay ugu biirto barnaamijka ka dhaafista dal-ku-galka.

Shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah; tirada muwaadiniinta Qatar ee loo diido visa-ha Mareykanka oo yar, heerka dadka Qatar ee Mareykanka kusii nagaada kadib marka dal-ku-galku ka dhaco oo aad u hooseeya iyo in Qatar ay si wanaagsan ula dhaqanto muwaadniinta Mareykanka ee dalkaas booqanaya, oo hadda loo ogol yahay in ay joogaan 30 maalmood visa la’aan.

Boqortooyada hodanka ku ah tamarta ayaa noqonaya dalkii 42-aad ee ku biira barnaamijka ka dhaafista visa-ha, sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha.