Canada oo malaayiin dollar ku bixineysa ka hortaga falalka naceybka.

0
34

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshe malaayiin dollar ku baxayso oo lagula dagaallamayo falalka naceybka la xiriira.

Dadka madowga ah iyo kuwa muslimiinta ah ayaa kamid ah bulshooyinka la kulmay falal naceyb la xiriira.

Dowladda Canada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay juhdi badan ku bixin doono wax kasta oo looga hortagayo naceybka.

Falalkan naceybka ku saleysan ayaa inta badan bulshooyinka muslimiinta Iyo madowga loogu geysta baraha bulshada iyo goobaha dadweynaha sida jidadka, maqayadaha iyo suuqyada.