In ka badan 80,000 oo reer Lubnaan ah oo u qaxay Suuriya

0
42

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirada dadka ka qaxay Lubnaan ayaa waxay muujinayaan in 36,000 oo qof oo Syrian ah iyo 42,300 Lubnaaniis ah in ay ka talaabeen xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Lubnaan, aadeenna dhanka Suriya laga soo bilaabo 23 kii bishaan September ilaa maanta.

Wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan NNA ayaa waxay sheegtay in tiradaas ay ka soo xigteen Nasser Yassin oo ah wasiir ka tirsan Lubnaan.

Dhanka kale, dadka gudaha ku barakacay ee laga diiwaan galiyay goobaha gabbaadka lah ayaa waxay sare udhaafayaan 116,000.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midooobay, UNHCR ayaa waxay ku soo daabacaysay maanta oo dhan xog ku saabsan “kumanaan qoys” oo ka cararaya Lubnaan aadayana dhan Suuriya.

Gudaha Lubnana ayaa haatan waxaa ku yaalla ilaa 777 goobood oo hoy ah, sida ay sheegtay dowladdu.