Dhismaha wadada suuqa xoolaha Qardho oo la dhagax dhigay

0
30

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha maamulka Puntland Cumar Cabdisamad yuusuf oo wehliyo Gudoomiyaha Degmada Qardho ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada suuqa Xoolaha magaalada Qardho.

Dhismaha wadadaan ayaa waxaa iska kashanaayo Hay’adda Save the children,gudiga Hormarinta Degmada Qardho iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha maamulka Puntland.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq