Sacuudiga oo sheegay inuu garab istaag u muujinayo Lubnaan

0
40

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Bayaan goor dhow ay soo saartay dowladda Sacuudiga, ayaa waxay ku sheegtay in Sacuudiga uu taageerayo Lubnaan.

iyadoo dhanka kalana ku baaqday in la ilaaliyo “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Lubnaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay, inay isha ku hayeen dhacdooyinka muddooyinii u dambeeyay ka dhacayay dalka Lubnaan, ayna ka ‘walwalsanaayen’ in kastoo Sacuudiga uusan ka hadlin dilki hogaamiyaha Xisbullah, Xassan Nasrallah.

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga gobolka ayna ka hor tagaan falalka hor seedi karaa xaalado bini’aadanimo.