Shir looga hadlaayo dib u eegista leexsashada gargaarka deg-dega ah oo lagu qabtay Muqdisho.

0
24

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa daah-furay shirka Dib-u-eegista Tallaabooyinka Ka Hortagga Leexsashada Gargaarka oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda SoDMA.

Shirka ayaa Waxaa ka qeeyb galay Wasiirrada gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo, madax ka socota gobolka Banaadir, hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka xubno matalaya Ururrda maxalliiga ah ee bani’aadannimada, culimada Soomaliyeed iyo Rugta Ganacsiga.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.