Xildhibaanada Kenya oo bilaabay hanaanka xil ka-qaadis madaxweyne ku xiigeenka dalka

0
37

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xildhibaanada dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay bilaabay hannaanka xil-ka qaadis ka dhan ah madaxweyne ku xiigenka dalka, Rigathi Gachagua.

Dedaalka la doonayo in xilka looga xayuubiyo Gachagua ayaa waxaa uu ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynaha dalka, William Ruto.

Xildhibaanada ayaa badankood saxiixay mooshinka xil ka-qaadista madaxweyne ku xiigeenka.

Waxay Rigathi Gachagua ku eedeynayaan inuu door ku leeyahay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Kenya saddex bilood kahor, inuu ku lug leeyahay musuqmaasuq, inuu dowladda yasay isla markaana uu u ololeynayay kala qeybin siyaasadeed oo qabaa’illada dhexdooda ah.