Liverpool Oo Garaacday Bologna & Real Madrid Oo Guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Lille.

0
45

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Liverpool Ayaa guul ay u qalantay Ka gaadhay kooxda Bologna kulan Ka tirsanaa champions League.

Liverpool Ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo Ka awood badnaa kooxda martida u ahayd.

Daqiiqadii 11-aad ayay Liverpool dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Alexis Mac Allister kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Bologna Ayaa marar badan Heshay fursado laakiin umay suurtagalin in ay dhaliso goolal.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo Liverpool ahayd kooxda fiican.

Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 75-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta Ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Liverpool gaadhay Guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah champions League.

Dhinaca kale kooxda Real Madrid Ayaa guuldaro Lama Filaan Ah Kala Kulantay Lille kulan kooxda difaacanaysa tartan lagu Garaacday 1/0.