Ingiriiska oo adkeynaya sida lagu yimaado dalkiisa iyo helista deganashaha.

0
168

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisal wasaaraha dalka UK, Sir Keir Starmer, ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanyo nidaamka socdaalka ee burbursan. Qorshihiisa waxaa ka mid ah in la adkeeyo imtixaanada luuqada ee qofka fiisaha dalbanaya iyo qofka kale ee ku tiirsan.

Mudada qofka uu ku qaadanayo daganaashaha dalka ayaa la qorsheynayaa in ay noqoto 10 sano. Nidaamka hadda lagu qaato daganaashaha ayaa ah 5 sano.

Xeerarka socdaalka xisbiga shaqaalaha ee mudada la sugayay ayaa dhawaan la daabici doonaa.

Chris Philp oo ah xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaradka ayaa ku tilmaamay qorshaha Sir Keir wax “kaftan ah”, wuxuuna ballanqaaday in baarlamaanka uu ku riixayo in la xadido soogalootiga.

Raysalwasaaraha ayaa ka hor inta uusan soo bandhigin qorshahiisa soogalootiga waxa uu ku eedeeyay ganacsiyada in ay shaqaalo jaban dibadda ka keenayaan halkii ay ka maalgelin lahaayeen dad xirfad leh oo halkan jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here