Inter Miami Oo Koox Adag Looga Dhisayo Messi & Xaqiiqada Haddii Ay Hazard Doonayaan

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, waayihii madoobaa ee Eden Hazard kusoo qaatay Real Madrid ayaa soo dhammaaday kaddib markii labada dhinac ku heshiiyeen inay wadajir u kala dhaqaajiyaan.

Eden Hazard ayaan wali koox cusub helin walow aysan ku yarayn dalabaadku, sida uu sheegayo wargeyska Relevo haatan waxa saxeexiisa isha ku haysa kooxda Maraykanka ah ee Inter Miami oo is-xoojin weyn wada.

Inter Miami ayaa durba la saxeexatay Lionel Messi iyo Sergio Busquets halka sidoo kale lala xidhiidhinayo Jordi Alba, Sergio Ramos iyo Andres Iniesta.

Hazard ayaa la filayaa inuu toddobaadyada soo socda gaadho go’aanka mustaqbalkiisa, meel kasta oo uu tago ayuu rajaynayaa inuu ku qaato wakhti ka wanaagsan midkii Madrid.

Waxa mar jiray warar sheegayay in 32 sano jirkaasi ka fikirayay inuu gabi ahaanba ka fadhiisto kubadda cagta taas oo muujinaysa heerka hoos u dhaciisa waalida ah.