Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ay weheliyaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Guddiga Ganacsatada Magaalada ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee interlock-ga ee hareeraha laamiga halbowlaha ee magaalada.
Hirgelinta mashruucan waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo iyo Ganacsatada Magaalada, kuwaas oo si wadajir ah ugu howlan horumarinta kaabeyaasha magaalada iyo kor u qaadista bilicda.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen


