Internet-ka dalalka galbeedka Afrika oo cilad ku timid

0
32

Baladweyne (Radio Beerlula)-Internet-ka wadamada galbeedka iyo bartamaha Afrika ayay ku timid cilad weyn.

Shirkada ku shaqadaha leh xarkaha badda hoos mara ee isku xira internet-ka gobolka ayaa sheegtay in ay cilado badan ku timid. Waxa keenay cilada internetka ayaa la ogeyn ila hadda sid ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Ururka NetBlocks waxay sheegeen in internetka Ivory coast uu 4 boqolkiiba heerkii laga filyayay uu ka shaqeynayo.

Wadamada Liberia, Benin, Ghana iyo Burkina Faso ayaa la sheegayaa in internet-kooda ay ku timid cilad weyn.

Internet-ka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale gaabis noqoday.

Afhayeen u hadlay shirkadda isgaarsiinta Vodacom ayaa sheegay in ay cilad ku timid dhowr xarko oo isku xira Yurub iyo Koonfur Afrika.