Baladwayne ( Radio Beerlula )-Sida laga soo xigtay saraakiil Iran iyo Mareykan ah, waxay Iran shan maxbuus oo haysta dhalashooyinka Iran iyo Markanka ka saareysaa xabsiga Evin ee Tehran iyadoo gelineysa xabsi guri si loogu gudbiyo Mareykanka.
Arintan aya qeyb ka ah heshiis Washington iyo Tehran gaareen kaas oo Mareykanka ku sii deynayo dhowr qof oo Iran u dahashay iyo sidoo kale lix bilyan oo doolar oo Iran uga xayirneyd dibadda.
Isbeddelkan ayaa loo arkaa tallaabadii ugu horeysay heshiis adag oo socday dhowr sano ee u dhexeeyay labada dal.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in hantida Iran ee ku xayirna Kuuriyada Koonfureed ay gaareysay 6 bilyan oo doolar.
Mareykanku waxay sheegeen in ay doonayaan in hantidaas la fasaxayo loo isticmaalo arrimaha caafimadka iyo cuntada.