Is-buurasho ka dhacday Nigeria.

0
31

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Is-buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo lagu qabtay magaalada Ibadan, oo ah caasimadda gobolka Oyo ee Koonfur-galbeed Nigeria, ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, sida uu sheegay duqa magaalada Seyi Makinde.

Dhacdadan ayaa ka dhacday dugsi sare oo Islaami ah oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan oo u socday xaflad qoys.

Tirada dhimasha iyo waxa sababay dhacdada ayaan wali la xaqiijin.

Adeegyada degdegga ah, oo ay ku jiraan shaqaale caafimaad iyo ambalaas, ayaa isla markiiba loo diray goobta, sida uu sheegay Makinde.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale goobta la geeyay si ay xaalada u xakameeyaan oo ay uga hortagaan qasaaro kale.

Munaasabadda waa la hakiyay, ka soo qayb galayaashii kalena si nabad ah ayaa looga saaray goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here