Isbeddelka Ku Dhacay Mushaharka Ciyaartoyda Chelsea

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sidii aanu xalay idiin soo gudbinay, Chelsea ayaa go’aanstay inay mushahar dhimis ku samayso 19 ka mid ah ciyaartoydeeda kaddib markii ay ka hadheen tartanka Champions League, iyaga oo xilli ciyaareedka dambena ka maqnaan doona tartamada Yurub maadaama ay meel hoose kaga jiraan horyaalka Premier League.

Mulkiilaha  Chelsea ee Todd Boehly ayaa  la ogaaday in ciyaartoydii uu kooxda keenay uu qandaraasyadooda ku daray in mushahar dhimis 30% ah lagu sameeyo haddii ay kooxdu usoo bixi weydo tartanka Champions League.

Waxa kale oo uu qodobkaasi ku jiray heshiisyada ciyaartoydii saxeexday qandaraaska cusub intii uu Todd Boehly u talinayay naadiga.

12 ciyaartoy oo ay kooxdu lasoo wareegtay labadii suuqa ee ugu dambeeyey ee uu kooxda u talinayay Todd Boehly iyo toddoba qandaraasyo cusub saxeexay ayuu saamaynayaa go’aanka kooxda, waxaana la ogaaday sida uu noqon doono mudahaharka ciyaartoydan iyo caddada ay waqtigan qaataan.

Halkan kaga bogo mushaharka 19ka ciyaartoy ee hadda iyo inta uu noqon doono xilli ciyaareedka dambe

Raheem Sterling: £325,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £227,500-toddobaadkii

Kalidou Koulibaly: £295,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £206,500-toddobaadkii

Reece James: £250,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £175,000-toddobaadkii

Wesley Fofana: £200,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £140,000-toddobaadkii

Ben Chilwell: £190,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £133,000-toddobaadkii

Cesar Azpilicueta: £180,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £126,000-toddobaadkii

Enzo Fernandez: £180,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £126,000-toddobaadkii

Marc Cucurella: £175,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £122,500-toddobaadkii

Pierre Emerick Aubameyang: £160,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £112,000-toddobaadkii

Thiago Silva: £110,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £77,000-toddobaadkii

Carney Chukwuemeka: £100,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £70,000-toddobaadkii

Mykhailo Mudryk: £100,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £70,000-toddobaadkii

Benoît Badiashile: £90,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £63,000-toddobaadkii

Trevoh Chalobah: £50,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £35,000-toddobaadkii

Noni Madueke: £50,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £35,000-toddobaadkii

Armando Broja: £40,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £28,000-toddobaadkii

Marcus Bettinelli: £35,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £24,5000-toddobaadkii

David Datro Fofana: £30,000-toddobaadkii  – Wuxuu noqon doonaa mushahariisa cusu: £21,000-toddobaadkii

Malo Gusto (Lama oga mushaharkiisa)