Isbitaal laga dhagax dhigay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

0
90

Baladweyne (Radio Beerlula)- Deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan ayaa laga dhagax dhigay isbitaal loogu tala galay ineey ka faa’ideystaan dadka ku nool Coomaad iyo deegaanada u dhaw.

Xaruntan caafimaad ayaa waxaa si isku tashi ah ku dhisanaya deegaanka oo iska aruuriyo lacago ay ugu Tala galeen ineey ku bilaabaan shaqada si ay u helaan dad caawiyo.

Deegaanka Coomaad ayaa hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaana ka jira baahi dhanka caafimaadka ah maadama deegaanka uusan u dhaween xarun caafimaad oo lagula tacaallo bukaanada u baahan gurmadka deg deg ah.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.