Isbitaal loo dhisay si casri ah oo laga hirgeliyay degmada Afmadow ee gobolka jubadda hoose.

0
199

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Afmadow ee gobolka jubadda hoose ayaa laga hirgeliyay isbitaal loogu talo galay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka kaasoo dhawaan ay hirgeliyeen golaha deegaanka degmada Afmadow.

Isbitaalkan oo ka kooban qeybo kala duwan ayaa sidoo kale loogu adeega bukannada kale, waxana la wareegay oo gacanta ku heysa hay’adda Nerro oo ka mid ah hay’addaha ka howlgala Jubbaland.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.