Isbitaal loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka oo laga furay degmada Deyniile

0
125

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Degmada Dayniile Abdishakur Abuukar Macalin ayaa xariga ka jaray isbitaal cusub oo laga hirgeliyay Degmadaasi kaasi oo loogu adeegi doono hooyada iyo dhalaanka.

Munaasabadda xarig ka jarka ayaa waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha Degmada howl wadaag,Xildhibaano ,Agaasimayaal, Dhaqaatiir iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin