Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid jaamac Qoorsheel ayaa si rasmi ah xariga uga jaray qeybta daryeelka gurmadka deg dega ah oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka magaalada Boosaso .
Munaasabadda xariga jarka ayaa waxaa ka qayb galay xubno katirsan maamulka magaalada Boosaaso dhaqaatiir iyo marti-sharaf kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.