Isbuurasho ka dhacday Hindiya oo dad badan ku dhinteen.

0
46

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan lixdan qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday goob uu ka dhacayay kulan diimeed oo ku taalla waqooyiga dalka Hindiya.

Qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ayaa ah haween iyo carruur.

Dad aad u badan ayaa sidoo kale lagu daweynayaa isbitaallada, waxaana laga cabsi qabaa in khasaarahu kordho.

Ma cadda waxa keenay deg-degga isbuurashada sababay, balse wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in arrinta laga yaabo inay tahay wax ka dhashay jawiga oo kuleyl ahaa iyo meesha oo ciriiri ka jiray.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo waxa dhacay.