Isgaarsiinta taleefanka iyo internet-ka oo dib ugu soo laabtay Marinka Qasa.

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)- Isgaarsiinta taleefanka iyo internet-ka marinka Gaza ayaa dib u soo laabtay sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka Safa iyo wakaaladda warrarka Shehab.

Qaza ayaa ku dhawaad 36 saacadood waxa hawada ka maqnayd isgaarsiintii Israa’iil kadib weeraradii cirka ee Israa’iil Jimcihii oo ay adeeg bixiyayaasha Falastiiniyiintu sheegeen in ay jareen khadadka isgaarsiinta iyo taawarrada.

Hay’adaha xuquuqul insaanka oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ka digay in la’aanta isgaarsiineed ee deegaanka ay caqabad ku tahay dadaallada lagu diiwaan gelinayo dambiyada dagaalka iyo xadgudubyada kale.

Sabtidii, Elon Musk waxa uu sheegay in uu adeegga internet-ka ee dayax-gacmeedka ee Starlink u fidin doono “ururada gargaarka caalamiga ah ee laga aqoonsan yahay” Gaza, taasoo keentay mudaaharaadyo Israa’iil ah.