Iska Ilow Liverpool, Waa Tuma Kooxda Weyn Ee Uu Trent Alexander-Arnold Taageero?

0
17

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dambeedka midig ee Liverpool Trent Alxenader Arnold oo ahaa taagere kooxdiisa haatan  laakiin wuxuu sheegay inay sidoo kale jirto koox kale uu jecelyahay.

Arnold oo Liverpool kusoo biiray markuu ahaa da’ ahaan 6 jir ayaa horumar badan sameeyay isaga oo kasoo gudbay heerarka kala duwan ee kooxda ilaa uu kooxda 1aad ka noqday ciyaartoy muhiim ah, isaga oo kulankiisi ugu horeeyay saftay August 2015.

Markaas kadib daafacan ayaa ku guuleystay koobab badan oo uu u tartamay wakhtigaas uu matalayaayey kooxda Liverpool, isaga oo ku guuleystay  Premier League, Champions League, FA cup, League Cup, Super Cup iyo Club World cup.

Xidigan ayaan weli wax heshiis ah u saxiixin kooxdiisa Liverpool xili uu heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xili-ciyaareedkan, iyada oo kooxda Real Madrid si weyn loola xidhiidhinayo.

Arnold ayaa sheegay in kooxda kale ee aan Liverpool ahayn ee ah kooxda uu jecelyahay ay tahay kooxda Barcelona.

Arnold” waxaan odhan karaa kooxda kale ee aan xiiseeyo waa Barcelona”

” waxaan dareemaya in ay Liverpool waxyaabo badan iskaga mid yihiin, waxa ay jecelyihiin in ay ciyaartoyda Akaadamiyada kooxda usoo dalacaan”

” waxaan weynaaday aniga oo daawada kooxdii Cajiibka ahayd ee Barcelona sida Messi, Iniesta, Xavi, Henry iyo Eto’o”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here